MUQDISHO - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu si rasmi ah xilka ula wareego maalinta Isniinta ee berrito ah. Hawlaha ugu horreeya ee laga doonayo madaxweynaha waxaa ka mid ah soo magacaabista Ra’iisul Wasaare cusub.
Weriyaha VOA Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.