Maxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga filayaa inuu dhowaan soo magacaabo Ra’iisal Wasaarihiisa cusub si ay dowladdiisa u sii amba qaaddo dardar gellinta xafiisyada iyo nidaamka dowliga ah ee dalka.
Haddaba Ra’iisal Wasaare noocee ah ayuu u baahan yahay madaxweynaha inuu soo magacaabo, maxay yihiin arrimaha inta badan keena khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa?
Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamud Xareed waxa uu waydiyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.