Muqdisho —
Magaalada Muqdisho waxaa maanta baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada golaha shaccabka, kaasoo ajendihiisu ahaa akhrinta xeer hoosaadka ay isku maamulayaan mudanayaasha, wuxuuna kulankaas u baaqday koram la’aan.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Sheekh Aaden Madoobe ayaa u digay xildhibaanada, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay ku tilmaameen korum la’aanta uu baarlamanka shaqada ku bilaabay ay nasiib darro tahay.
Wariyaha VOAda ee Muqisho Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan inoo soo dirtay.