Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dood-cilmiyeedka VOA: Aaway codkii haweenka Somaliland?


Muddo ka badan 30 sano laga soo bilaabo sanadkii 1991-dii Somaliland waxay aheyd maamul gooni iskaga taagay Soomaaliya inteeda kale, inkasta oo aysan muddadaas helin wax aqoonsi caalami ah, hadana waxay ku faantaa degenaansho iyo iyo nidaam doorasho oo dimuquraadi ah.

Somaliland waxay qabatay siddeed doorasho iyo hal afti oo loo qaaday dastuurka. Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee sanadkii 2021-kii, xitaa hal gabar looma dooran baarlamanka, taasoo iftiimisay inay jiraan dhibaatooyin ama caqabado ku hor gudban in dumarka loo doorto xafiisyada sare ee Golayaasha Dowladda.

VOAda ayaa Magaalada Hargeysa Caawa ku qabaneysa dood ku saabsan caqabadahaas, oo cinwaan looga dhigay, aaway codkii dumarka?

Cabdixakiim Maxamud Shirwac ayaa Khadka Taleefanka ee Hargeisa kula xiriiray Sahra Ciidle Nuur oo doodaasi dhex dhexaadineysa, ayaa weydiiyay nuxurka doodda.

Dood-cilmiyeedka VOA
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:34 0:00

Town Hall meeting in Hargeisa
Town Hall meeting in Hargeisa

XS
SM
MD
LG