Jigjiga —
Waxa la yiraahdaa waxarashadu da’ iyo waqti toona ma leh, waxaaana hal-hayskaas ka dhabeeyey Cabdilaahi Yuusuf Kaariye oo ah aabbe 55 jir islamarkaana ay haatan isaga iyo wiilkiisu dugsiga sare isku-mar kawada qalin-jebiyeen.
Wariyahayaga magaalada Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa ayaa Cabdilaahi Yusuf kula kulmay magaalada Jigjiga islamarkaana ka waraystay safarkiisa waxbarashada iyo hammigiisa.