Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa marba marka kasii danbeysa ka sii dareysa. Abaartan ayay khubarradu ku tilmaameen tii ugu xumeyd ee gobolka Geeska Afrika ka dhacda muddo 40 sano ah.
Degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, waxaa laga deyrinayaa nolosha qoysas barakac ah oo halkaasi ku nool.
Wariyaha VOA-da ee Galmudug Cabdiwaxid Macalim Isxaq ayaa arrimahaan ka wareystay guddoomiyaha degmada Jarriiban, Cali Cisman Nuur.