Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Xaaladda deegaannadii dagaalladu ka dheceen ee Bakool


Deegaanadii ay ku dagaallameen ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Liyuu Booliis ee dowlad-deegaanka Soomaalida oo isku dhinac ah iyo maleyshiyaadka Al-Shabab ayaa deggan maalmihii la soo dhaafay.

Dagaalka oo ka bilowday deeggaannada Caato iyo Yeed ee Soomaaliya ayaa mintidiinta Al-Shabaab waxa ay sidoo kale u gudbeen dhinaca Itoobiya oo ay kula dagaalameen ciidamada Liyuu Booliis.

Xaaladda deegaannada ay dagaalladu ka dheceen ee gobolka Bakool ee Soomaaliya oo awalba ay abaar daran ka jirtay ayaa haatan xaaladda bai’aadanimo ee ka jirta ay ka sii dartay, iyadoo dad badan ay ka barakeceen deeggaannada lagu dagaallamay, oo inkastoo ay haatan deggan yihiin la filan karo duullaan markasta, sida ay saraakiisha maxalliga ahi ku warameen.

Wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda deegaannada ay dagaalladu ka dhdceen waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Halkan ka dhageyso warbixintan oo dhameystiran
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:11 0:00

XS
SM
MD
LG