Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu danbeeyey ee weerarka hotel Xayaat


Unidentified attackers seize control of hotel in Somali capital
Unidentified attackers seize control of hotel in Somali capital

Tirada dadka ku dhintay weerar saacado badan socday oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hotel ku yaalla Muqdisho ayaa waxa ay gaartay 13 qof, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay taliye ka tirsan ciidamada amniga ee Soomaaliya.

“Waxa aan helnay war ah in shan qof oo kale la xaqiijiyay in ay dhinteen taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13 qof oo rayid ah oo ku dhintay weerarka ay qaadday argagixisadu,” ayuu Maxamed Cabdulqaadir u sheegay AFP.

Ibraahim Ducaale oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sidoo kale AFP u xaqiijiyay in dhimashadu ay ka badan tahay toban qof, laakin waxa uu sheegay in booliisku uu faafin doono xogta rasmiga ah marka la soo afjaro weerarka lagu qaaday hoteelka Xayaat.

Waxa uu sheegay in la soo badbaadiyay dad u badan rayid oo ku sugnaa hotelka markii weerarka rasaasta iyo qaraxyada isugu jira ay dagaallamayaasha Al-Shabaab hotelka weerareen fiidnimadii Jimcaha.

“Ciidamada ammaanka ayaa ku dhawaaqi doona marka howlgalka la soo afjaro, waxa uu qaatay waqti dheer maxaayeelay howsha badbaadinta ayaa aad u adkeyd,” ayuu Ducaale u sheegay AFP.

Dr Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac ayaa sheegay in cisbitaalkiisu uu daweynayo ugu yaraan afartan qof oo ku dhaawacmay weerarka hotelka iyo qarax kale oo miino oo isna ka dhacay qeyb kale oo ka mid ah caasimadda.

AFP

XS
SM
MD
LG