Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay weerar ay fiidnimadii Jimcaha maleeshiyada Al-Shabaab ku gashay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka oo wali ka socda gudaha hotelka.
Haddaba wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda hoteelka ay wali ka dhex dagaalamayaan maleyshiyada Al-Shabaab ayuu Ibraahim Daandurey ka wareystay wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyay weerark hotelka ayaa la dhakafaarsan wixii dhacay.
Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab oo jooga Washington ayaa khadka telefoonka ee magaalada Muqdisho ku waraystay, Dr Cabdinaasir Maxamed Geeddi oo ka mid ahaa dadkii kasoo badbaaday weerarkii hotelka.
Wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida xaalku ahaa xalay markii uu weerark bilowday?
Haddaba, Maxamed Colaad Xassan oo la xiriiray dhinacyo kala duwan ayaa isna warbixintan nooga diyaariyey weerarka Al-Shabaab ku qaadday hotel Xayaat.