Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qoyska Shireen Abu Akleh oo dalbaday caddaalad


Shireen Abu Akleh
Shireen Abu Akleh

Qoyska Shireen Abu Akleh oo aheyd suxufiyad ruug-caddaa ah oo ka tirsaneyd Telefishinka Al-jazeera ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu xaqiijiyo "baaritaan dhameystiran, madax-bannaan, isla markaana hufan" oo lagu sameeyo dilka weriyaha reer Falastiin oo sidoo kale heysatay dhalashada Mareykanka.

Abu Akleh, ayaa Al-jazeera qeybta Carabiga uga soo warrami jirtay dhulka Falastiin, waxaana la toogtay 11-kii bishii May, xilli ay tebineysay hawlgal ay Israa’iil ka fulisay Jenin oo ku taalla Daanta Galbeed.

Qoyska weriyaha, kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda iyo dhowr xildhibaan oo Maraykan ah ayaa ugu baaqay Maraykanka iyo waaxda caddaaladda inay xaqiijiyaan isla xisaabtanka dilkeeda.

Kulan warbaahineed oo Khamiistii lagu qabtay Naadiga Warbaahinta Qaranka ee Washington, ayaa Lina Abu Akleh waxay xustay in afartii bilood ee kasoo wareegatay dilkeeda inaysan "jirin isla xisaabtan iyo tallaabo uu qaaday maamulka Mareykanka."

"Tani waa doorka maamulka Mareykanka ee ah inuu qaato kiiskan," ayay tiri Lina Abu Akleh oo raacisay "ma aynaan helin fursad aan xitaa ugu baroor-diiqno qoys ahaan. Ma aynaan u baroor-diiqin karin eedadayada qaaliga ah sababtoo ah waxaan ku khasabaneyn inaan si joogto ah ugu yeerno isla xisaabtan, iyo caddaalad."

Guddoomiyaha Naadiga Warbaahinta Qaranka Jen Judson ayaa xusay in Abu Akleh la dilay iyada oo xirneyn jaakad ay ku qoran tahay SAXAAFAD.

"Ilaa aan ogaanno sababta iyo sida ay tani u dhacday si faahfaahsan, badqabka saxafi kasta oo ka shaqeeya aagga ayaa halis weyn ku jira," ayay tiri Judson.

Bayaa kasoo baxay sharci-dajiyayaasha Mareykanka oo muujinaya taageerada labada dhinac ee baaritaan madax-bannaan ayaa lagu soo bandhigay munaasabadda, kaas oo xubnaha saxiixay uu ku jiray Andre Carson, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorrto Indiana.

XS
SM
MD
LG