Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Soomaaliya


Shirka Golah Wadatashiga Qaran
Shirka Golah Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

"Waxa ay (Madaxdu) ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madaxtooyada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isagu shirka uga qeyb galaya qaab Fogaan aragga ah.

XS
SM
MD
LG