Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ayaa gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington xalay kula kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Washington iyo agagaaraheeda, iyo xubno ka socday jaaliyadda Soomaalida ee guud ahaan gobollada Mareykanka iyo Canada.
Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay kullanka kaga hadlay arrimaha ammaanka, la dagaalanka iyo ciribtirka Al-Shabaab, abaaraha, ujeedada safarkiisa Washington iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Sahra Cabdi Axmed oo kullankaasi ka qeyb gashay ayaa warbixintan inooga diyaarisay.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Magaalada Washington iyo gobollada ku dheggan ee Maryland iyo Virginia oo munaasabaddaasi soo abaabulay ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha iyo khudbaddii uu jeediyay.
Maxamed Colaad Xassan ayaa makaroofanka la dhex qaaday.