Muqdisho —
Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowlada Soomaaliyaa ayaa sheegtey in ay tallaabo ka qaadeyso ciddii u hoggaansanta amarrada Al-shabaab ee ah in dhaqaalo laga siiyo ganacsiga.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay Al-Shabaab wakhtigooda uu dhamaadey haatanna dowladdu ay la xisaabtamayso cidkasta oo amarradooda fulisa.
Khubaradda amniga ka faalooda ayaa shaki galinaya sida dowladdu ay u damaanad qaadi karto amniga ganacsatada iyo milkiilayaasha.
Warbixin arrinkaasi ku saabsan waxaa soo diyaariyey Jacfar Kuukaay.