Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda oo lagu soo rogayo badow lagu xakameynayo cudurka Ebola


FILE - Uganda's President Yoweri Museveni speaks during an interview at his farm in Kisozi settlement of Gomba district, in the Central region of Uganda, Jan. 16, 2022.
FILE - Uganda's President Yoweri Museveni speaks during an interview at his farm in Kisozi settlement of Gomba district, in the Central region of Uganda, Jan. 16, 2022.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Sabtidii sheegay in dowladdiisu ay hergelin doonto bandow xilliga habeenkii ah, kaas oo saameyn doonaan goobaha cibaadada, kuwa madadaalada, socotada iyo dadka kale ee ka baxaya laba degmo oo uu cudurka Eboa ka jiro.

Tallaabooyinkan looga dan leeyahay in lagu xakameeyo faafista cudurka Ebola ayaa si degdeg ah looga dhaqan gelin doonaa degmooyinka Mubende iyo Kassanda ee bartamaha Uganda, oo xudun u ah cudurka Ebola, sida uu Meveni ku sheegay khudbad uu dadka kula hadlayay oo laga sii daayay taleefishinka.

“Kuwani waa tallaabooyin ku meel gaar ah oo lagu xakameynayo fiditaanka Ebola. Waa in aan dhammaanteen la shaqeynaa maamulka si aan cudurkan ugu soo afjarno waqtiga ugu yar ee suurtogalka ah,” ayuu yiri Museveni.

Museveni ayaa sheegay in 19 qof ay dhinteen tan iyo markii dalkan ku yaal bariga Afrika uu ku dhawaaqay in uu cudurka Ebola ka dillaacday 20-kii Sebtember.

XS
SM
MD
LG