Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Illaa 250 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka socda dalka Sudan


Sudan
Sudan

Wararka ka imanaya gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa sheegaya in dagaal beeleed halkaas ka socda inay ku dhinteen in ka badan 250 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u badani. Dagaal beeleedkan oo beryahanba halkaas ka socday ayaa haatan wararku sheegayaan inuu sii xoogaystay.

Hoggaamiyaha milateriga ee dalka Sudan ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ee ku sugnaa gobolka Blue Nile. Dagaal beeleedkan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya labada dhinac ee qabiilka Hausa iyo shucuubta Berta.

Iyada oo xukuumaddu arrintaas la tacaalayso, ayaa haddana dhinaca kale waxaa mucaaradka dalkaasi ay ku baaqeen isu-soo baxyo dalkaas ka qabsooma, sida uu warbixintan ku eegayo weriyaha VOA ee bariga dhexe Xuseen Cismaan Saxnuuni.

Xaaladda Sudan
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:56 0:00
XS
SM
MD
LG