Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxa uu sheegay ciidamada lagu soo tababaray waddanka Eritrea ee dhowaan ku soo laabtay Soomaaliya in ay yihiin kuwa si gaar ah u diyaarsan, lana filayo in dhowaan ay ka qeyb-galaan howl-gallada ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ra'iisul wasaaraha ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu maanta gaaray xero ciidamadaasi ay ku suganyihiin oo ku taalla magaalada Muqdisho, sida warbixintan ku eegayo weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow .