Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa heshiis is-afgarad ah oo dhigaya sidii ay Soomaaliya dib ugu heli lahayd hannaanka caalamiga ah tigidhada (Tickets) diyaaradaha, ku kala saxiixday magaalada Nairorbi ee dalka Kenya.
Hannaankan ayaa shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya u ogalaanaya inay iyagu si madax bannaan u helaan noocyada kala duwan ee tikidhada diyaaradaha, halka ay haatan shirkadaha Soomaalidu ay ku tiirsan yihiin wadamo kale.
Haddaba faahfaahinta heshiiskaasi ayaa weriyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed wuxuu ka waraystay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomalaiya Fardowsa Cismaan Cigaal