Dawladda Nigeria ayaa sheegtay in barnaamijka dhaqancelinta dadka kasoo goosta mintidiinta Boko Haram uu wiiqayo kooxdaasi kadib markii ay toddobaadkan ka qalin jebiyeen mid ka mid ah xarumaha ilaa 600 oo horey uga tirsanaa Boko Haram.
Hase yeeshee khubaradu waxay ka digayaan inay dadkaasi mar kale dib ugu laabtaan Boko Haram, sida uu kusoo warramayo Timothy Obiezu.
Warbixintan waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.