Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ku baaqday $70 milyan oo lagu caawiyo Malawi, oo ay duufaan xooggani ku dhufatay


People walk past homes damaged by Cyclone Freddy in Chilobwe, Malawi, March 17, 2023.
People walk past homes damaged by Cyclone Freddy in Chilobwe, Malawi, March 17, 2023.

BLANTYRE, MALAWI - Qaramada Midoobay iyo hay'ada kale ee samafalka ayaa ku baaqay in lacag gaadhaysa $70.6 milyan lagu caawiyo dalka Malawi, gaar ahaan, dadka ay saamaysay duufaantii dalkaas ku dhufatay.

Duufaanta Freddy, oo sidoo kale ku dhufatay dalalka Mozambique iyo Madagascar, ayaa dalka Malawi ku dishay boqollaal qof, halka ay barakaceen in ka badan 650,000 oo qof oo ku noolaa koonfurta dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacagtan loo isticmaali doono hoy, nafaqo, caafimaad, biyo iyo daryeel bulshada ku nool goobaha ay duufaantu sida xooggan ugu dhufatay.

Lacagtan lagu baaqay ayaa ka sarraysay $45.3 milyan oo hore ay ugu baaqeen hay'adaha samafalku si looga jawaabo daacuunkii dillacay, waxaana haatan tirada qaadhaanka guud uu gaadhayaa illaa $115.9 milyan.

Warbixintan waxaa qoray Lameck Masina

XS
SM
MD
LG