Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumanaan qof oo ka qaxay Khartuum


SUDAN-POLITICS/
SUDAN-POLITICS/

Kumanaan qof ayaa Arbacadii shalay ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartoum, kaddib marki uu dagaalka u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysani uu galay maalintiisii shanaad.

Qaxa ayaa ka dhashay markii uu fashilmay iskuday heshiis xabbad-joojin ah oo ay labada dhinac isku afgarteen, kaddib afar maalmood oo dagaal culus uu ka socday Khartoum iyo magaalooyinka mataanaha la ah.

Dad ku nool xaafadaha kala duwan ee Khartoum iyo Omduman ayaa sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka baxaya magaalada.

Dadka qaar ayaa lugeynayay, halka kuwo kale ay wateen gaadiid. Dadkan ayaa u qaxay magaalooyin kale ee ka nabaddoon colaadda.

Dhanka kale, iskuday kale oo xabbad-joojin ayaa fashilmay xalay, walina waxaa caasimadda ka sii socda duqeyno cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda RSF.

Goor sii horeeysay, dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay iyo in kale.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum, halkaas oo ay ku yaallaan guryo uu leeyahay ninka hogaaminaya xoogaga millatariga kasoo horjeedda General Mohamed Hamdan Dagalo, oo lagu naaneeso .

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in qoyskiisa ay ku noolyihiin xaafaddaasi, balse aanay jirin wax si rasmi ah u xaqiijinaya.

Warbaahinta AlJazeera ayaa sheegtay, in dagaalka ka socda Khartoum ay ilaa iyo hadda ku dhinteen ugu yaraan 270 ruux, halka dhaawacu marayo 2,600.

XS
SM
MD
LG