Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhinacyada Sudan oo markale isku raacay inay kordhiyaan heshiiska xabad-joojinta


SUDAN-CONFLICT
SUDAN-CONFLICT

SUDAN - Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale ku heshiiyey inay kordhiyaan heshiiskii xabbad-joojinta ahaa oo ku ekaa habeenimadii Axadda, iyaga oo haatan markale kordhiyey illaa 72 saacadood oo kale.

Inkasta oo ah gaadheen heshiis xabbad-joojin ah, haddana labada dhinac ayaan si rasmi ah u dhaqan gelin. Heshiiskan xabbad-joojinta ah ayaa loogu talo galay inuu dadka shacabka ah u furo marin ammaan ah oo ay kaga baxaan goobaha ay ku go'doonsan yihiin iyo in gargaarka bini'aadanimo la gaadhsiiyo dadka u baahan.

Hase ahaatee waxaa weli sii socda dagaalka u dhexeeya labada dhinac, iyada oo daraf waliba uu dhinaca kale ku eedaynayo inuu ku xadgudbay heshiiska.

Dalka Ingiriiska ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay samaynayso daadgurayn cusub oo ay muwaadiniinta dalkooda kaga soo saarayaan dalka Sudan.

XS
SM
MD
LG