Wasaaradda waxbarashada ee Somaliland ayaa sheegtay inay tirada ardayda ee dugsiyada sare iyo dhexe ay kordheen sannadihii u danbeeyey marka la eego tirada ardayda ee u fadhiisatay Imtixanaadka afartii sano ee u danbeeysay sida uu sheegay Gudoomiyaha Xafiiska Imtixanaadka Somaliland Dauud Axmed Faarax.
Guddoomiye Daauud ayaa sheegay in sannadkii ugu dambeeyey inay imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Somaliland inay u fadhiisteen in ka badan 37,000 oo arday, taas oo 43% ay hablo ahaayeen.
Faahfaahinta korodhka waxaa warbixintan kasoo diray weriyahayaga Hargaysa Khadar Maxamed Cakule