Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Sidee Koonfur Sudan usoo dhoweysay Soomaalida?


Dalka Koonfur Suudaan waa waddanka ugu da’da yar Qaaradda Africa. Wuxuu xorriyadda ka qaatay Sudan sannadki 2011-ki, taas oo ka dhigtay dalka 54-aad ee waddamada madaxa-bannaan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Isha ugu weyn ee dhaqaalaha dalka ayaa ah dhoofinta saliidda ceyriin. Inkasta oo uu dagaal sokeeye burburiyay, hadana magaalada caasimadda ah ee Jubba ayaa soo jiidaneysa indhaha maalgashadayaasha Afrikaanka ah ee ay Soomaalidana ka mid tahay.

Warbixin gaar ah oo ku saabsan muuqaalka guud ee Jubba waxaa noo soo diray wariyaha VOA-da, Khadar Maxmud Xareed oo hadda halkaasi ku sugan.

Warbixin: Sidee ayey Koonfur Sudan usoo dhoweysay Soomaalida?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

XS
SM
MD
LG