Muddo ka badan saddex sano waxaa xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Xiisadda ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii uu talada banneeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Toddobaadkan ayey mar kale xiisadda cirka isku shareertay markii Garbahaarey laga soo celiyay diyaarad sidday maamul cusub oo uu gobolka Gedo u magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Wariyaha VOA, Aadan Maxamed Salaad (Kismaayo) ayaa warbixintan inoo soo diray.
Madal