Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobada ka soo baxay shirka wadatashiga ee Muqdisho


Shirka wadatashiga Muqdisho
Shirka wadatashiga Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo geba-geeyey shirkii u socday madaxda Soomaaliya ee haatan xilka haysa, iyo madaxdii dalka hore uga soo qabatay xilalka sarsare. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah, waxaa shirguddoominayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay maalintii labaad ee shirka ku biireen ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, iyo guddoomiyayaasha labada aqal oo shirka ku biiray maalintii labaad.

Sidoo kale waxaa kulankan ka qayb galay siyaasiyiin kala duwan oo hore u soo qabtay xilal sar sare oo ay ka mid yihiin, Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisal wasaarayaal hore oo kala ah, Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Gaas, Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Ridwaan Xirsi Maxamed oo soo noqday ra'iisal wasaare ku xigeen, iyo guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka ee kala ahaa Maxamed Cismaan Jawari, Maxamed Mursal Sheekh, Shariif Sheekh Xasan, iyo siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Cabdinuur Shiikh Maxamed, Xuseen Cabdi Xalane iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Shirkan oo uu gogoshiisa lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii labada maalmood ahayd ee uu socday waxaa lagu lafo-guray qodobo ay ka mid yihiin, nooca doorashada dalka, nidaamka madaxtinimada, nidaamka xisbiyada badan, guddida doorashada ee qaranka, midaynta muddo xileedka hay'adaha federaaliga ah iyo kuwa dawlad-goboleedyada iyo weliba habraacyada loo marayo dhamaystirka dastuurka.

Shirka Muqdisho ee madaxda
Shirka Muqdisho ee madaxda

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo warbaahinta uga warbixiyey gunaanadka shirka, ayaa sheegay inay jiri doonaan kulamo kale oo lagaga arrinsanayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Farxaan Jimcaale ayaa sheegay intii shirku socday inay miiska yimaadeen doodo iyo aaraa' kala duwan oo u baahan in la tixgeliyo.

Kulanka ayaa bogaadiyey hawlgallada ka dhanka ah ururka al-Shabaab, iyaga oo ku baaqay in loo midoobo. Kulanka ayaa sidoo kale bogaadiyey dedaalada dawladda Soomaaliya ee ku aaddan deyn cafinta iyo weliba dedaallada dawlad dhiska Soomaaliya, iyaga oo bogaadiyey in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan awoodda dalka.

Madal

XS
SM
MD
LG