Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia: 26 qof oo ku dhintay duqayn cirka ah oo ka dhacday gobolka Amxaarada


Ethiopia Regional Clashes
Ethiopia Regional Clashes

Shaqaalaha caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ugu yaraan 26 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqayn diyaaradaha aan duuliyaha wadin oo ka dhacday gobolka Amxaarada.

Ciidamada federaalka dawladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka gobolka ayaa isla safnaa colaaddii ka dhacday gobolka Tigray, hase yeeshee labadaasi dhinac ayaa dagaal uu ka dhexeeyey afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Weerarkan duqaynta ah oo dhacay Axaddii ayaa ka dhacay magaalada Finote Selam, oo ka tirsan Galbeedka Gojam ee gobolka Amxaarada.

Dhakhtar ku sugan Finote Selam oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in dadka kusoo dhaawacmay weerarkaas ay duhurnimadii soo gaareen cisbitaalka.

Maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaan FANO ayaa taagerayey ciidamada dawladda xilligii uu socday dagaalkii ay kaga soo horjeedeen xoogagga Tigray.

Dagaalka FANO iyo ciidanka ayaa bilowday bishii April kadib markii dawladda federaalku ay amartay in maleeshiyaadka gobollada lagu daro ciidamada dawladda ee milatariga ama booliiska.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay soo gaareen warar lagu kalsoon yahay oo ah duqayn ka dhacday Finote Selam iyo laba goobood oo kale oo ka tirsan gobolka Amxaarada oo kala ah Burie and Debre Birhan.

Dawladda Itoobiya aya sheegtay in la qabtay 23 qof arrin la xiriirta waxa ay ugu yeedhay ficillo sharcidarro ah Jimcihihii, toban maalmood kadib markii dalkaasi looga dhowaaqay xaaladda degdegga ah.

Dadka la qabtay waxaa ku jira mudane ka tirsan baarlamaanka oo lagu magacaabo Christian Tadele, iyo tifaftiraha barta internetka ee Alpha Media, oo lagu magacaabo Bekalu Alamrew.

Madal

XS
SM
MD
LG