Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Soomaaliya oo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ugu baaqday inay ka faa'iideystaan cafiska loo fidiyay


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Dawladda Soomaaliya ayaa cusboonaysiisay baaqa ay u jeedinayso xubnaha ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii horey loogu sameeyey.

War saxaafadeed kasoo baxay xarunta cusub ee qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha xagjirka ah ee Tubsan ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka ka tirsan kooxaha xagjiriinta ah ay u furan tahay inay ka faa’iidaystaan Xeerka Cafiska Dadka isku soo dhiibaya Dowlada.

“Dhammaan skhsiyaadka si iskood ah uga soo taga kooxaha argagixisada ah iyofikiradahooda xagjirka ah iyo hab nololeedkooda dembiilanimo, xeerka cafiska isa soodhiibayaasha waxaa uu siinayaa fursad ay dib ugu soo biiraan bulshada rayidka ah,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedkaas.

“Dowladdu waxaa ay had iyo jeer diyaar u tahay in ay kaa caawiso sidii aad nolol Iyo mustaqbal fiican u heli laheyd,” ayuu war saxaafadeedku intaas ku daray.

Xarunta ayaa sheegtay in xubnaha doonaya inay isa soo dhiibaan iyo waalidiintooduba ay soo wici karaan telefoon/WhatsApp: +252770000031 ama +252770000032 ama+252620333444.

Xarunta qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ayaa dawladda Soomaaliya iu dhowaaqday toddobaad ka hor.

Tubsan
Tubsan

Madal

XS
SM
MD
LG