Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka Dhageystaha: 30 sano kadib warbixinta Soomaaliya ee Horumarka Dadweynaha


Wicitaanka Dhageystaha
Wicitaanka Dhageystaha

Ku dhawaad muddo 30 sano ah kadib, ayay Soomaaliya Arbacadii aynu kasoo gudubnay soo saartay warbixin ka hadleysa horumarka laga sameeyay ballan-qaadyadii kasoo baxay Shirweynihii Horumarka Dadweynaha ee sannadki 1994-kii lagu qabtay magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar.


Warbixinta oo ah mid dib u eegis ku sameyneysa horumarka dadweynaha, ayaa diiradda saartay dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, qoyska, dhalinyarada, naafadda, xoojinta dhaqaalaha iyo qodobbo kale.

Haddaba, maxaa sababay in muddo 30 sano ah ay ku qaadato Soomaaliya, maxay yihiin caqabadaha ku gadaaman horumarinta dadweynaha, maxay yihiin natiijooyinka kasoo baxay daraasaddan, sideesi horay loogu socon karaa?

Qodobadaasi iyo kuwo kale ayaan ku falan-qeyn doonnaa barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee todobaadkan. Waxaa marti iigu, Sharmaarke Maxamed Farax oo ah, agaasimaha guud ee hey’adda Istaatistikada Qaranka ee Soomaaliya.

Dhageyso Wicitaanka Dhageystaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:22:29 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG