Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Marwada Koowaad ee Maraykanka oo laga helay COVID-19


Biden
Biden

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Maraykanka ayaa Isniintii sheegay in marwada koowaad Jill Biden in laga helay cudurka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay, in markii laga helay marwada koowaad xanuunka COVID-19, in baadhis lagu sameeyey madaxweyne Biden, hase ahaatee aan isaga laga helin xanuunka.

Aqalka Cad ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha, iyada oo si joogto ah toddobaadkan loo baadhi doono.

Madaxweyne Biden ayaa xanuunka COVID-19 laga helay bishii July ee sannadkii 2022, hase ahaatee xilligaas wuxuu dareemay oo keliya, calaamado kooban, sida uu sheegay aqalka caddi.

Xilligaas madaxweynaha oo qaatay labadii tallaal, iyo weliba tallaaladii xoojinta ahaa, ayaa haddana markale la siiyey tallaal kale oo ka hortag ah.

Markale ayaase madaxweyne Biden laga helay xanuunka COVID toddobaad gudihii oo ku beegnayd, July 30-keedii, 2022.

Madal

XS
SM
MD
LG