Isku xirrada

War Deg-Deg ah

107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 107 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayay isi soo dhiibeen labadii bilood ee lssoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada.

Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xubnahan ay badankood iska soo dhiibeen dowlad goboleeyada Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

"Xubnaha isi soo dhiibay waxay iskugu jiraan carruur la askareeyay, oo aad da'doodu u yartahay, dad dhallinyaro ah oo ka mid ahaa jiray dagaalyahannada kooxdaas, haween, iyo horjoogeyaal sarsare oo ka tirsanaa kooxdaas" ayuu ku yiri Cabdullahai Maxamed Nuur muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Waxa uu sheegay inay mari doonaan habraaca 'dadka isi soo dhiibeyaasha, ee ka tanaasulay fikrahada xagjirka ah.'

"Waxaan mar kale ugu baaqeynaa xubnaha weli ku jira Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ka faa'iideystaan xeerka cafiska ee dowladda ee dadka isku soo dhibaya dowladda" ayuu raaciyay agaasimaha Tubsan National Center.

Madal

XS
SM
MD
LG