Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada amniga Muqdisho oo fashiliyay qarax is-miidaamin ah


Mas’uuliyiinta amniga ee Muqdishu ayaa sheegay inay ciidamadu ka hortageen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof isa soo miidaamiyey maanta.

Baabuurkaasi ayaa ku qarxay bar kontrool oo ku taalla duleedka degmada Dayniile ee Muqdishu oo ay ciidamada ka waardiyeeyaan amniga magaalada.

Mas’uul ka tirsan degmada Dayniile oo lagu maacaabo Cali Cabdi Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in shan askari ay ku dhaawacantay weerarka, ciidankuna ay fashiliyeen.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu jiro ugu yaraan qof rayid ah oo ku dhaawacmay weerarkaas.

Ururka al-Shababa ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Dhinaca kalena, hay’adda nabadsugidda ee NISA ayaa shaacisay magacyada toddoba ka tirsan maleeshiyaadka al-Shababa oo lagu dilay hawlgallo ka dhacay nawaaxiga Awdheegle 10-kii bishan iyo hawlgal kale oo ka dhacay degaanka Bulacle oo u dhow Dhuusamareeb 11-kii bishan.

Hay’adda ayaa sheegtay in xubnaha la dilay ay ku jireen kuwo al-Shabaab u qaabilsan dilka, qarxayada iyo weerarrada.

Madal

XS
SM
MD
LG