WASHINGTON - Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxa uu ku saabsan yahay sababaha ay dowlad goboleedka Puntland ku diidan tahay in la dhameystiro hannaanka deyn cafinta oo heer gaba gaba ah mareysa. Puntland ayaa dhowaan dalbatay in la hakiyo hannaanka deyn cafinta iyo go’aanka ugu danbeeya ee laga gaari lahaa. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in bisha December Soomaaliya deynta laga cafin doono. Haddaba, waxaa toddobaadkan barnaamijka marti ku ah, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ah Wasiirka Maaliyadda ee Puntland. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Jacfar Maxamed Kuukaay.
Madal