Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Fududaynta dhoofka xoolaha Soomaaliya


Geel
Geel

Magaalada Kismaayo waxaa maanta laga daahfuray dallada dhoofka xoolaha Jubaland, taasoo fududeen doonta sidii Kismaayo iyo guud ahaan deegaanada Jubooyinka looga dhoofin lahaa xoolaha nool xilli waayihii dambe hakad uu ku jiray ganacsiga Xoolaha kadib markii Abaara baahsan ay gobolka ku dhufteen, waxana hada la qorsheenayaa in markale dib loo bilaabo sidii Dekeda Kismaayo looga dhoofin lahaa Xoolahaasi.

Munaasabda daahfurka dallada waxaa ka qeebgalay masuuliyiin katirsan Jubbaland Ganacsato iyo qeybaha bulshada ka mid ah. Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa arrintan ka waraystay Mareeyaha Maxjarka Jubbaland Cabdicasis Bashir Aadan.

Wareysiga Mareeyaha Maxjarka Jubbaland Cabdicasis Bashir Aadan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:19 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG