Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqooyinka Hay'adaha Mareykanka oo laga cabsi qabo inay caawa joogsadaan, falanqeyn


Congress Budget
Congress Budget

Qorshihii uu Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy ku doonayay in si ku meel-gaar ah loo fasaxo kharashaadka dowladda federaalka ayaa si weyn u burburay fiidnimadii Jimcaha markii koox ka tirsan xisbigiisa oo ah kuwa midigta fog ay diideen, taas oo sababi karta inay istaagto shaqada dowladda Federaalka Mareykanka 1-da October oo ku beegan berri oo Axad ah.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa weli isku khilaafsan cabbirka miisaaniyadda dowladda Mareykanka 12-ka bilood ee soo socota, taasi oo ay ku jirto sii wadida gargaarka dhaqaale ee Ukraine oo dagaal kula jirta Ruushka, xakameynta soogalootiga ee xadka Maraykanka iyo Mexico, iyo barnaamijyada daryeelka bulshada si loo caawiyo dadka saboolka ah ee Maraykanka.

Warbixin arrinkaasi ku saabsan waxaa inoo haya Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue).

Shaqada hay'adaha dowladda Mareykanka oo qarka u saaran in ay joogsato
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:30 0:00

Haddii uu Koongareeska Mareykanka ansixi waayo miisaniyadda sannadka soo socda marka la gaaro saqda dhexe ee caawa oo ah waqtiga kama danbeysta ah ee ay ku eg tahay miisaaniyadda sanadkii tagay ee dowladda Mareykanka ayay taasi noqoneysaa in qasnadaha hey'adaha federaalka ay marnaan doonaan haddii aanan la helin miisaaniyadda cusub.

Haddaba, maxaa sababay ismari-waaga siyaasadeed ee ay u xayiran tahay miisaaniyadda. Nuur Xassan Nuur, ayaa ka wareystay, Maxamed Sheekh Xuseen oo deggan gobolka Virginia, kana faallooda arrimaha Mareykanka.

Halkan ka dhageyso falanqeyn ku saabsan sababa keenaya in ay istaagaan shaqooyinka dowladda Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG