Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-shabaab ee labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle lagu dilay 1,650 Al-shabaab ah, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladdu.
"Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bil ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas." ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo intaas ku daray
"Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bil lasoo dhaafay"
Tirada sheegashada dowladda oo ah mid aysan VOA si madax-bannaan xaqiijin aya asidoo kale, bayaankan dowladda lagu sheegay in dhaawaca Al-shabaab uu 'kor u dhaafay 550.'
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaacisay magacyada horjeegeyaal ka tiran Al-shabaab oo ay sheegtay inay dishay, dhaawacday ama isi soo dhiibay intii uu socday dagaalka Galmudug iyo Hirshabeelle.
Madal