Ciidamada Turkiga ayaa weerar ay ku qaadeen fariisimo ay leeyihiin maleyshiyaadka Kurdiyiinta ee gudaha Suuriya habeenkii xalay ku dilay ugu yaraan 14 ka tirsan maleeshiyada Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkey, iyadoo colaadda gobolka ay sii xoogeysatay toddobaad ka dib weerar bam oo ka dhacay Ankara.
Turkiga ayaa toddobaadkan sheegay in dhammaan bartilmaameedyada ay leeyihiin maleeshiyada Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (Kurdistan Workers Party) loona soo gaabiyo PKK ee dalkaasi mamnuuca ka ah iyo maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ay ciidamada Turkiga u yihiin “bartilmaameedyo sharci ah” ka dib markii PKK ay sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Axaddii ka dhacay magaalada Ankara oo ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah ayna ku dhinteen labadii qof ee weerarka fulisay.
Turkey ayaa sheegay in kuwa weerarka qaaday ay ka yimaadeen Suuriya, laakin ciidamada SFD ee Suuriya ayaa sheegashada Turkiga beeniyay. Tan iyo weerarkii bambaano ee Ankara, ciidamada Turkiga ayaa qaaday duqeymo xooggan oo ay ku beegsadeen fariisimada mintidiinta ee waqooyiga Suuriya iyo Ciraaq iyagoo sidoo kale xoojjiyay baaritaanka ay ka wadaan gudaha Turkiga.
Gelinkii danbe ee Jimcihii shalay ayay wasaaradda difaaca ee Turkigu sheegtay in ciidamadeedu ay fuliyeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ku beegsadeen gudaha Suuriya, iyagoo sheegay in ay burburiyeen 15 bartilmaameed halkaasi oo la aamminsan yahay in ay ku sugnaayeen mintidiintu.
Isaga oo Sabtidii ka hadlayay kulan guud oo ay lahaayeen xubnaha xisbigiisa talada haya ee AK Party, ayuu Madaxweyne Tayyip Erdogan ku celiyay digniintiisa ku aaddan in Turkigu uu weerari doonto fariisimada mintidiinta ee Ciraaq iyo Suuriya.
Tukey ayaa YPG liiska kooxaha argagixisada ah, waxaana uu sheegay in ay isku milan yihiin kooxda PKK ee ilaa 1984-kii dagaalka ay ka waddo gudaha Turkiga ay ku dhinteen dad ka badan afartan kun oo qof (40,000).
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa PKK u aqqoonsan urur argagixiso laakinse uma aqqoonsana YPG in ay tahay koox argagixiso ah.
YPG ayaa ah halbowlaha ciidamada SDF ee isbahaysiga militari ee uu Mareykankau hoggaaminayay ka caawiyay dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Daacish. Taageerada uu Mareykanku kooxda siiyo ayaa dhowr mar oo hore xiisad ka dhex abuurtay Mareykanka iyo Turkiga.
REUTERS
Madal