Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhintay, toddoba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo saaka lala beegsaday xero ay ciidanku ku lahaayeen duleedka magaalada Muqdishu. Wararka qaar ayaa tirada dhimashada intaasi ka badinaya.
Mas’uuliyiinta amniga iyo kuwa gobolka ayaa VOA u sheegay in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday naftii hallige uu isku qarxiyey xerada oo ku taalla Ceelasha Biyaha oo ilaa 20 km dhinaca galbeed ka xigta Muqdishu.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uliyada weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee saaka. Haddaba weriyahayaga Muqdishu Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inoo soo diray.
Madal