Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaarkii u horreeyey oo gaaray Marinka Gaza


Waxaa marinka Rafax ee isku xira Masar iyo Gaza Sabtida maanta ah ka gudbay kolonyadii ugu horeysay ee sidda gargaar bini'aadantinimo ah oo loo diray marinka go’doonsan ee Gaza tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay halkaasi.

Arrintan ayaa suurtogashay ka dib maalmo ay dhinacyadu isku maandhaafsanaayeen shuruudo diblumaasiyadeed oo ku aadan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa Jimcihii sii deysay laba qof oo ah Muwaadiniin Mareykanka oo ay kooxdu ku haysay Gaza tan iyo markii ay laba asbuuc ka hor weerartay gudaha Israa’iil. Labadan qof ee la sii daayay ayaa kala ah hooyo iyo gabadheeda.

Warar ay VOA iyo Reuters arrimahan ka qoreen waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Kolonyadii u horreeyey ee sida gargaar oo gaaray Gaza
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG