Daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo maalmahan ka da’ayay deegaannada gobollada Jubbaland ayaa sababay in ay dhintaan saddex qof. Dadka dhintay ayaa isugu jiray laba gabdhood oo 14-jir ahaa ah iyo wiil 18 jir ahaa.
Sidoo kale, degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa daadku ay dadkii deegaanka barakiciyeen.
Haddaba, khasaaraha ka dhashay roobkaasi iyo saameynta ay ku yeeshay dadka degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa warbixintan ku eegaya Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.
Madal