Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaamacadda Muqdisho oo ka mid noqotay kuwa ugu wanaagsan Carabta


QEYB KA MID AH DHISMAHA WEYN EE JAAMACADDA MUQDISHO
QEYB KA MID AH DHISMAHA WEYN EE JAAMACADDA MUQDISHO

Jaamacadda Muqdisho ayaa todobaadkaan ka mid noqotay liiska jaamacadaha ugu horreeya dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta, kaddib qiimeyn uu sameeyay Midowga Jaamacadaha Carabta.

Jaamacadda Muqdisho, ayaa kaalinta 108-aad kasoo gashay 115-ka Jaamacadood ee Dunida Carabta. Kaalinta 1-aad, ayaa waxaa gashay Jaamacadda Boqor Sacuud ee dalka Sacuudiga halka booska labaad ay soo gashay Jaamacadda Qahira.

Haddaba, muhiimadda kaalinta ay Jaamacadda Muqdisho soo gashay iyo sida ay ku timid, ayaa Nur Hassan Nur uu ka wareystay, Dr. Ibrahim Maxamed Mursal (Ibrahim Dheere) oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:26 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG