Mareykanka ayaa bilaabay in uu duqeymo cirka ah ka fuliyo Bariga Dhexe, kuwaasi oo uu kaga aar-goosanayo weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee diyaaradaha aan duuliyuhu la socon ay Axaddii ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Urdun.
Taliska dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay Jimcihii “duqeymo xagga cirka ah ka fuliyeen Ciraaq iyo Suuriya kuwaasi oo lala beegsaday Ciidamada Quddus ee ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran [IRGC] iyo kooxo malleeshiyaad ah oo taabacsan. Ciidamada militariga Mareykanka ayaa duqeeyay in ka badan 85 bartilmaameed, iyadoo diyaarado badan oo ay ka mid yihiin kuwa meelaha fog wax ka duqeeya laga soo duuliyay Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Taliska.
“Waxa aan si sax ah u garaacnay meelihii aan rabnay in aan duqeynoi” ayuu yiri Jeneral Douglas Sims, oo ah agaasimaha howlgallada ee Taliska Wadajirka ah ee Ciidamada Mareykanka. Waxa uu sharaxay weerarada cirka ah oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo, iyadoo uu xusay in sadex ka mid ah goobaha la duqeeyay ay ku yaalaan Ciraaq, afarta kalena ay yihiin Suuriya.
Ciraaq ayaa ayaa la wargeliyay weerarrada ka hor, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka, laakin waxa aan la sii wargelin Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu amray weerarrada.
“Jawaabteennu waxa ay bilaabatay maanta. Way ka sii socon doontaa wakhtiyada iyo meelaha aan dooranno. Maraykanku ma raadinayo colaad Bariga Dhexe ama meel kale oo dunida ah. Laakiin dhammaan kuwa doonaya in ay waxyeello noo geystaan waa in ay tan ogaadaan: Haddii aad waxyeello u geysato qof Mareykan ah, waan ka jawaabi doonnaa,” ayuu Biden ku yiri bayaan xalay uu soo saaray.
Laakin Mike Johnson, Afhayeenka Aqalka Wakiillaada, ayaa dhaleeceeyay in Maamulka Biden uu muddo toddobaad ah a daahay in uu weerar aar-goosi ah qaado.
“Nasiib-darro, maamulku muddo toddobaad ah ayuu sugayay isaga oo nooca jawaabteennana usii diray dunida oo ay ku jirto Iran,” ayuu Johnson ku yiri bayaan uu soo saaray.
Saacado ka hor duqeymaha militariga Mareykanka ayuu madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ku celiyay ballanqaadyo ay Iran horey ku sheegtay suuragalnimada in ay ka jawaabto weerar kasta oo Mareykanka uu ku bartilmaameedsado daneheeda.
Waxa uu sheegay in Iran “aysan dagaal bilaabeynin, laakin haddii dal, haddii xoog aan naxariis lahayn uu rabo in uu na damaaciyo, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxa ay bixin doontaa jawaab adag” ayuu yiri.
Afhayeenka militariga Ciraaq Yahya Rasool ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqeymaha ay ahaayeen “Xadgudub ka dhan ah madax-banaanida Ciraaq” ayna “keeneyso khatar Ciraaq iyo gobolkaba u horseedeysa cawaaqib xun.”
Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegtay in Maraykanku uu duqaymo bareer ah ku qaaday goobo iyo magaalooyin badan oo ku yaalla gobolka bari ee Suuriya, iyo meel u dhow xudduudda Suuriya iyo Ciraaq, taasi oo keentay in ciidamo iyo dad rayid ahba ay ku shahiidaan, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen iyadoo waxyeello ba’anna loo geystay hanti dadweyne iyo mid gaar loo leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.
Madal