Dagaal qasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa saakay aroortii waxaa uu ka biloowday deegaannada ku dhow deagmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose kadib markii ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ee Danab oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni oo markii hore ciidamada ay uga soo baxeen fatahaaddii ku dhufatay gobolka. Wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay kooxda Al-Shabaab la wareegtay deegaanka balse dagaalka maanta ayaa ciidamada dowladdu ay dib ula wareegeen gacan ku heynteeda.
Wararka ayaa sheegaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray, iyadoo ciidamada Jubbaland soo bandhigeen maxaabiis iyo hub ay sheegeen in ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.
Haddaba, si ay VOA wax badan uga ogaato dagaaladaasi ayaa Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad uu qadka taleefanka ku wareystay Afhayeen Ciidamada Jubbaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Daahir Faarax.
Madal