Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareegga Saddexaad ee Doorashada Hiniya oo maanta dhaceysa


Wajiga saddex ee doorashada guud ee Hindiya ayaa maanta oo Talaada ah ka dhaceysa, ilaa 11 gobol oo uu ku jiro gobolka uu kasoo jeedo ra’isulwasaare Narendra Modi ee Gujarat.

Hindiya ayaa billowday codbixinta doorashooyinka guud 19-ki bishi hore ee April. Doorashadan oo 7 wareeg ah ayaa waxaa codadkooda ka dhiibanya dad gaaraya ku dhawaad hal bilyan oo ruux.

Tirinta codadka ayaa lagu wadaa in la billaaba 4-ta bisha June ee bartamaha sannadkaan. Xisbiga BJP ee ra’isulwasaare Modi ayaa loo badinayaa inuu guulo waaweyn kasoo hoyn doono doorashada.

Madal

XS
SM
MD
LG