Waxaa xayiraaddii saarnayd muddo toddobaad ah, laga qaaday magaalo ku taalla gobolka Alberta ee dalka Canada, ka dib markii cimiladu aad u kululaatay isla markaana ay sababtay inuu dab ka kaco.
In kabadan 6,600 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan magaaladaas,qaarkood ayaa hadda dib ugu laabanaya guryahooda.
Soomaali badan ayaa kamid ah dadka deggan magaaladaas uu dabku saameeyay.
Burhaan Maxamed oo loo yaqaanno Burhaan Dheere wuxuu kamid yahay Soomaalida ka shaqeysa magaaladaas Fort McMurray. Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji oo what’s up-ka kula xiriiray ayuu uga warramay saameynta uu dabka ku yeeshay Soomaalida.
Madal