Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo ka hadasha dagaal culus oo ka dhacay Ceeldheer, wareysi


Wararka ka imaanaya magaalada Ceel-Dheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi dagaal qaraar ku dhexmaray malayshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaaday xeryo ay daafaha magaalada ku leeyihiin ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weerarkan 'jab xooggan' ugu geystay Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay warbaahinta dowladda.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe ayaa dagaalka uga warramay Wariyaha VOA, Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq.

Wareysi: Wasiirka Amniga ee Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:09 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG