Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaza: Tirada dhimashada oo kor u dhaaftay 37,000


Smoke rises from an Israeli airstrike in Rafah, southern Gaza Strip, May 31, 2024.
Smoke rises from an Israeli airstrike in Rafah, southern Gaza Strip, May 31, 2024.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa ku dhawaaqday Axaddii in ugu yaraan 37,084 qof lagu dilay Marinka Gaza muddada ka badan siddeedda bilood ee uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Waxay intaas ku dartay in tiradan ay ku jiraan ugu yaraan 274 qof oo lagu dilay weerarkii Israa’iil ay Sabtidii ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat, xilligaas oo afar la haystayaal ah nolol lagu soo badbaadiyay, tiradaas oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 84,494 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka tan iyo markii uu qarxay 7-dii October.

AFP.

Madal

XS
SM
MD
LG