Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Sacuudiga 'oo ku dhow' heshiis horseedi kara xiriir ay yeeshaan Riyadh iyo Israel


Biden iyo Mohammed bin Salman
Biden iyo Mohammed bin Salman

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis lala galo Sacuudi Carabiya, kaasi oo u ballan qaadaya in Mareykanka uu difaaco boqortooyada, islamarkaana qeyb ka ah heshiis looga gol leeyahay dhiiri-gelinta xiriir diblomaasiyadeed oo dhex-mara Riyadh iyo Israel, waxaa sidaas Axaddii qoray wargeyska Wall Street Journal oo oo soo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Sacuudiyaan ah.

Heshiiska suurto-galka ah, oo ay si weyn uga shaqeeyeen Maraykanka iyo mas'uuliyiin kale muddo toddobaadyo ah, ayaa qayb ka ah xirmo ballaaran oo ay ku jiraan heshiis nukliyeer oo dhex-mara Maraykanka iyo Sucuudiga, tillaabooyin loo qaadayo dhismaha dawlad Falastiin ah iyo soo afjarida dagaalka Gaza ka socda, halkaasi oo dadaallo xabad joojin oo bilo socday ku guuldareysteen in ay nabad keenaan.

Ansixinta heshiiska, oo Wall Street Journal, uu sheegay in loo yaqaan Heshiiska Isbahaysiga Istaraatiijiga ah, ayaa u baahan doonaa saddex-meelood laba-meelood codka aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka, taasi oo ay adkaan doonto in la helo haddii aan heshiiska lagu xirin xiriir dhex-mara Israa'iil iyo Sucuudiga.

Heshiiska qabyada ah waxaa loo qaabeeyey si u eg heshiiska amniga wadajirka ah ee Washington ay la gashay Japan, sida uu wargeysku ka soo xigtay saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga.

Ayada oo dhaafsaneysa ballan-qaadka Mareykanka ee ah in uu gacan ka gaysto difaacidda Sacuudi Carabiya haddii la soo weeraro, qabyo qoraalka heshiiska ayaa Washington u ogolaanaya in ay adeegsato dhulka iyo hawada Sacuudiga, si ay uga ilaaliso danaha Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka, sida uu wargeyska ku warramay.

Waxaa sidoo kale laga damasan yahay in uu Riyadh si dhow ugu xiro Washington, ayada oo laga mamuunayo Shiinaha inuu saldhigyo ka dhisto boqortooyada ama uu iskaashi amni la galo Riyadh, ayuu Wall Street Journal ka soo xigtay saraakiisha.

Aqalka Cad, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaan si deg deg ah uga jawaabin codsi ah in ay arrintan ka hadlaan.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG