Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxootiga Dhadhaab oo loo ballan-qaaday in dib loogu billaabayo gunno


Sanad walba 20-ka bisha June waxaa dunida laga xusaa maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga.

Tan iyo burburkii Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, waxaa sanad walba xuskan uu qaxootinimo ugu soo galayay Soomaali qaxooti ah oo ka badan 300 oo kun oo ku nool xeryaha qaxoogtiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya.

Si la mid ah sanadihii hore, Dhadhaab waxaa maanta laga xussay maalintan.

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa xafladdii lagu xusayay maalinta uga ballan qaaday qaxootiga in bisha toddobaad ay soo celin doonaan lacag gunno ah oo qaxootiga la siin jiray oo laba bil ka hor laga gooyay, islamarkaana ay dib u billaabeyso raashinkii qaxootiga loo qeybin jiray.

Warbixintan waxaa soo diray wariyaha VOA-da uga soo warama Dhadhaab Cabdi Salaan Salas.

Qaxootiga Dhadhaab oo loo ballan-qaaday in dib loogu billaabayo gunno
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:58 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG