Dalka Jarmalka waxa uu ka mid yahay dalalka ay Soomaalidu ugu badan yihiin qaaradda Yurub. Soomaalida ayaa sanadihii u dambeeyay ku sii kordhayay Jarmalka, sababo la xiriira helista shaqooyinka iyo sharciyada soo-galootiga oo ka yara fududaa qeybaha kale ee Europe.
Markii bulshadu badatay waxaa kaloo xoogeysatay baahida loo qabo ururo arrimaha bulshada Soomaalida ka shaqeeya. Ururadaas Soomaalida ee ka aas aasmay Jarmalka waxaa ka id ah hay’adda SAFIA POWER WOMENS’ ASSOCIATION, oo arrimaha haweenka iyo qoyska iyo dhallinyarada ka shaqeysa.
Wariyaha VOA-da Qaaradda Europe Cabdixaafid Cawil Ismaaciil oo howlo shaqo Jarmalka u jooga ayaa wareysi la yeeshay aas-aasaha iyo madaxa hey’addan Safiya Keynaan, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay goorta iyo sababta ay hey’addan u aas aastay.
Madal