Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu dilay xadka Kenya iyo Uganda


Soomaali ka qeybgashay aaska gabadh ka mid aheyd dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay xadka Kenya iyo Uganda
Soomaali ka qeybgashay aaska gabadh ka mid aheyd dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay xadka Kenya iyo Uganda

Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaa shalay lagu aasay gabar dhallinyaro ah oo ka mid aheyd saddex qof oo Soomaali ah Jimcihi lagu dilay deegaan ka tirsan Galbeedka Kenya.

Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay dileen dad careysnaa oo watay budad iyo seefaf. Dadkaasi ayaa sidoo kale dhaawac u geystay ilaa 7 dhallinyaro Soomaali ah oo la socday gaadiid ay saarnaayeen dadka la dilay.

Wariyaha VOA-da ee Nairobi Yaasin Ciise Wardheere ayaa dhibaatada dhacday iyo sababta keentay weerarkaba ka wareystay, qaar ka mid ah ehellada dhibanayaasha iyo mas’uuliyiin ka tirsan xaafadda Soomaalida ee Nairobi.

Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay xadka Kenya iyo Uganda
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:26 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG